Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo Muqdisho ka baxay kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefo Woshe ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay dalkiisa Itoobiya kadib muddo ku dhow hal sano oo uu ahaa wakiilka diblomaasiyadeed ee Addis Ababa u qaabilsanaa Soomaaliya.

Safiirka ayaa lagu sagootiyey munaasabad ay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho u sameysay, iyadoo lagu sheegay in uu dhammeystay muddadii uu xilka safiirnimo u hayay Itoobiya ee Soomaaliya.

Ka bixitaankiisa ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka labada dal uu marayo marxalad ka duwan tii xiisadda xooggan ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa si weyn u xumaaday horraantii 2024, kaddib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen is-afgarad ku saabsanaa marin-badeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Muqdisho ay markaas tallaabooyin diblomaasiyadeed ka qaaday wakiilkii Itoobiya.

Soomaaliya ayaa xilligaas dalkeeda ka cayrisay safiirkii Itoobiya, iyadoo dalbatay inuu dalka ka baxo, iyadoo xiisadda ay muddo saameyn ku yeelatay xiriirka siyaasadeed iyo amni ee labada dowladood, inkastoo markii dambe ay bilowdeen dadaallo lagu soo celinayo xiriirkii labada dhinac.

Kadib markii xiisaddii diblomaasiyadeed ay hoos u dhacday, Itoobiya ayaa Soomaaliya u soo magacowday Suleymaan Dedefo, taas oo loo arkayay tallaabo ka tarjumeysa dib-u-soo celinta xiriirka rasmiga ah ee labada dal. Labada dowladood ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo wada-hadallada iyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo xiriirka labada shacab.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer lahaa xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, iyadoo Itoobiya ay kamid tahay dalalka gobolka ee door muhiim ah ku leh arrimaha amniga Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale qayb ka ahaa howlgalladii amniga ee Soomaaliya, inkastoo joogitaanka iyo doorka ciidamada Itoobiya ay marar kala duwan noqdeen arrimo xasaasi ah oo siyaasadeed.

Ilaa hadda Itoobiya uma aysan magacaabin Soomaaliya safiir cusub oo beddela Suleymaan Dedefo. Waxaa la filayaa in Addis Ababa ay bilaha soo socda go’aan ka gaarto magacaabista wakiilkeeda cusub, xilli labada dal ay isku dayayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib khilaafkii ka dhashay heshiiskii badda.

- Advertisement -

Read more

Local News