Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefo Woshe oo dhawaan soo gaba-gabeeyay howlihii diblomaasiyadeed ee uu ku joogay Muqdisho ayaa fariin ku saabsan xaaladda Soomaaliya u soo diray shacabka iyo hoggaamiyeyaasha dalka.
Safiirka ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatooyinka amni-darro ee ay weli wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in nabadgelyadu tahay xuquuq ay mudan yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed.
“Waxa aan ka xumahay dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed weli la kulmaan ee amni-darro. Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nabad,” ayuu yiri Suleymaan Dedefo.
Diblomaasiga Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay helaan amni, xorriyad, sharaf iyo fursado ay ku horumariyaan noloshooda, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dalka laga abuuro xaalad ay dadku ku noolaadaan xasillooni.
“Waxay mudan yihiin amni. Waxay mudan yihiin xorriyad, sharaf, fursad iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Suleymaan Dedefo ayaa sheegay inuu rajeynayo in carruurta Soomaaliyeed ay ku koraan waddan ammaan ah oo nabdoon, ayna mustaqbalkooda ku wajahaan rajo halkii ay cabsi ka dareemi lahaayeen.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana danta qaranka ka hormariyaan arrimaha kale.
“Waxa aan si daacad ah u rajeynayaa in hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ay meel iska dhigaan khilaafka oo danta qaranka ka hor mariyaan wax kasta,” ayuu yiri Dedefo, isagoo xusay in mas’uuliyadda saaran hoggaamiyeyaasha ay tahay mid weyn, ayna hortaal fursad lagu dhisi karo Soomaaliya nabad ah, midaysan, deggan oo barwaaqo ah.

