Salaad Cali JEELLE oo ka digay 3 arrin oo halis ku ah dalka SOOMAALIYA (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeello oo kamid ah Siyaasiyiinta taageersan dowlada Somalia ayaa sheegay in muddo intaa kabadan aysan Somalia u laaban colaad.

Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in wadamo badan oo dhaca qaarada Africa ay soo mareen xaalada ay iminka ku jirto Somalia, hase yeeshee aanu jirin mid sida Somalia kusii daba-dheeraatay colaada.

Somalia ayuu sheegay in laga doonaayo inay ka shaqeyso aayaheeda waxa uuna tilmaamay in wadan waliba ay dhistaan dadkiisa.

“Dad waliba dalkiisa isagaa dhista waa in Soomaalida ay gartaan in dalkooda uu u baahan yahay, waa inay u raadiyan xal si looga nabadgalo dhibta taagan”

Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in burbur waliba oo ku dhaca dal dhisan ay sabab u yihiin dadkiisa, gaar ahaan Siyaasiyiin uu tilmaamay inuu ka lumay damaca.

“Siyaasiyiintu ha u naxaan dalkooda yeysan dhibaato u horseedin dalka oo hadda leh rajo wanaagsan oo wax looga qabankaro dhibaatooyinkii uu soo maray”

Isagoo dhibaatooyinka ka duulaya ayuu sheegay in Somalia xiligani aysan u wanaagsaneen 3 arrin oo uu ku tilmaamay inay tahay Qaran dumis kuwaa oo kala ah:-

1-In dadka u hanqal taagaya nabadda iyo midnimada lagu ababiyo is hortaaga dowladnimada iyadoo shacabka laga dhiganaayo jaranjaro.

2-In la dafiro isbedelada ka jira dalka iyadoo dadka dowladnima doonka ah la tuso sawiro aan munaasib aheyn kuwaa oo looga been abuurayo Qaranimada.

3-In Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka fogaadan in loo adeegsado talaabooyinka ay Shisheeyuhu ku doonayaan inay ku burburiyan Somalia, iyadoo la fiirinaayo dano gaara.

Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu tilmaamay in burburka dal jira uu yahay mid loo adeegsado dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dhibaatooyinka ka jira Somalia ay kaalin weyn ka qaaten dad caan ah.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in Dowladnimada lagu doorsado burbur iyo dhibaatooyin aan laga soo kabsan oo loo horseedo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga Salaad Cali Jeello, ayaa qaba dareen ah in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ay mar waliba isku dayayaan inay qafiifiyaan howlaha dowlada, si ay u helaan dhaliilo  muuqda oo loo jeediyo dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com