Sambaloolshe oo bixiyay wareysi xasaasi ah kuna weeraray Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Onlijne) – Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Dalsan TV ayaa si adag u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo.

Sambaloolshe ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha badda Soomaaliya iyo safarkii madaxweyne Farmaao uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo safarkaasi ku tilmaamay mid madaxweynaha la hogaaminayay.

Wuxuu sheegay in Safarkaasi uu ahaa mid aysan fileyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga qarin doono waxyaabaha kasoo baxay kulankii gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi.

Wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markuu xilka hayay uu wax badan ka shaqeeyay, balse markii xilka laga qaaday lagu wargeliyay xil gudasho la’aan haddana aysan jirin cid la xisaabtanta dadka hay’adaha amaanka ka shaqeeya.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in guulo badan oo la gaaray aysan jirin, islamarkaana wadamo badan oo saaxiibo la ahaa Soomaaliya hadda la lumiyay.

Sambaloolshe ayaa isaga oo isbarbardhig ku sameynaya dowladda Farmaajo iyo maamulkii Xasan Sheikh, wuxuu sheegay in dowladii Xasan Sheikh dhamaan waxyaabihii ay wanaajisay in lasii dumiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo Wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com