Saraakiil ciidan oo sheegay in xubno Al-Shabaab ah ay u gudbeen Somaliland

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Hargeysa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbeen gobollada Somaliland.

Laamaha amniga waxey sheegeen in saraakiishaas ay ku sugnaayeen dhulka buuraleyda ee Gal-gala, walina ma aysan xaqiijin tirada rasmiga ah ee saraakiisha ay sheegeen iney dhankaas u gudbeen.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe ay amaanka magaalooyinka qaar aad u adkeeyeen, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in wadooyinka magaalooyinka qaar ay xiran yahiin.

Sababta ay halkaas ugu boqooleen xubnaha Al-Shabaab lama oga, kaliya waxaa la hayaa xaqiijin ku saabsan iney deegaankaas u gudbeen.

Somaliland waxey ka mid tahay deegaanada ugu amniga wanaagsan Soomaalida, waxaana ka jirtay sanadahii ugu dambeeyay xasilooni la isku haleyn karo.

Kooxaha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey hawlgallo ka sameeyaan inta ugu badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxeyna dagaal kula jiraan ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo taliska mareykanka ee Africa.