Saraakiil Mareykan ah oo Dhuusomareeb ka bilaabay sahmin & Xaaf oo la kulmay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka ay tageen magaaladaasi.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa maalin ka hor tagay ciidamada DANAB oo tababar ka hela saraakiisha Mareykanka kuwaasi oo kasoo dhaqaaqay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ka socota dowladda Mareykanka iyo saraakiisha ciidamada DANAB ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda.

Kulanka kadib saraakiisha ayaa cadeeyay inay doonayaan inay sahmiyaan saldhig ciidamada DANAB ay ku yeeshaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, si halkaasi looga qaado weerarada ka dhan ah Al Shabaab.

Ciidamada DANAB ayaa hadda xarun ku leh magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in saldhiga magaalada Dhuusomareeb uu muhiim u yahay Mareykanka.

Waxaa la doonayaa in saldhigaasi laga dhigo Saldhiga Mareykanka ku leeyahay Bartamaha Soomaaliya, isaga oo tababar ku siinaya ciidamada Galmudug, waxaana halkaasi la qaadi doonaa weerarada ugu badan ee ka dhanka ah Al Shabaab, sida xogaha aan ku heleyno.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com