Saraakiil sare iyo khubaro Mareykan ah oo si qarsoodi ah ku jooga deegaanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiil iyo khubaro kasoo jeeda dalka Mareyanka ay gaaren degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha iyo Khubarada oo heer Militery ah ayaa la socday diyaarad dagaal oo dhamaadkii asbuucii tagay gaartay Bali-doogle, gaar ahaan Saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay deegaanka.

Guud ahaan Saraakiisha iyo Khubarada ayaa kor u dhaafaya lix kuwaa oo la socday diyaarad 29 August 2018 xili habeena Hub ka dajisay Garoonka Aadan Cadde isla markaana usii kictantay deegaanka Bali-doogle.

Saraakiisha oo galbinaayay Hubka ayaa lasoo sheegayaa in wali ay ku sugan yihiin deegaanka Bali-doogle, waxaana xusid mudan inaan la ogeyn cida Hubka loogu geeyay degaankaasi.

Dowlada Mareykanka oo Saraakiil iyo ciidamo ay ka joogan Somalia ayaa lagu tuhmaa inay maalgalin iyo hub siinba ku sameyso Al-Shabaab.

Ma cadda halka uu ku danbeyn doono Hubka iyo Saraakiisha la socday ee xiligan ku sugan degaanka Bali-doogle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com