Sargaal xil muhiima u hayay Shabaab oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan ayaa toogasho ku dilay Sargaal la sheegay in Maleeshiyaadka Al-shabaab uu hayay xil muhiim ah.

Sargaalka la dilay ayaa maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka Sakawaadka deegaanka Halgan ee ka tirsan isla Gobolkaasi Hiiraan.

Dilka Sargaalkaasi ayaa waxaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay Max’ed Ibraahim C/laahi oo ah Gudoomiye ku-xigeenka siyaasada iyo amniga maamulka Gobolka Hiiraan, waxa uuna tilmaamay in Sargaalkaasi lagu dilay Howlgal ka dhacay Xaafada Halgan.

Max’ed Ibraahim waxa uu sheegay in Sargaalkaasi ay ciidamadu baadi-goobayeen ku dhawaad muddo bil ah, balse iminka howlgalkaasi ay ka gaaren dantii laga lahaa.

Howlgalada lagu dilay Sargaalkaasi ayaa waxaa fuliyay Ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo la sheegay in inta badan ay fuliyaan howlgalada looga maarmi waayo.

Max’ed Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Maamulka ay hayaan kiisas kale oo la xiriira rag ka tirsan Al-shabaab waxa uuna tilmaamay inay marsiin doonaan halka ay mariyeen Sargaalka ay iminka dileen.

Dilka Sargaalkaani ka tirsanaa Al-shabaab ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay maamulaan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana dhanka kale jira deegaano iyo degmooyin muhiim ahaa oo horay looga saaray.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa markii deegaano badan laga qabsaday waxay go’doon geliyeen degmooyinka qaar,taasi oo adkeysay xaalada bini-adanimo ee dadweynaha deegaanadaasi ku dhaqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com