Sarkaal caan ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ka howlgala Galmudug, ayaa sheegay in ciidamada maamulka uu isku soo dhiibay Sargaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sargaalka isku soo dhiibay ciidamada lagu magacaabo Maxamed Daahir oo ku magacdheer ”Timo-jilic”.

Sargaalkaani isa soo dhiibay ayaa waxa uu kamid ahaa Saraakiisha maleeshiyada uga howlgali jiray Magaalada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug.

Timo-jilic ayaa sheegay in maleeshiyada ay uga dhamaatay islamarkaana uu kasoo baxay isaga oo maankiisa qaba, waxa uuna tilmaamay in go’aankiisa uu ahaa in xili hore uu kasoo baxo, hayeeshee uu jiray culeys uu la kulmaayay.

Timo-jilic, ayaa maleeshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa dajinta qorshayaasha weerar oo ay maleeshiyada fulineyso, waxa ayna Saraakiisha dowladu sheegtay in Timo-jilic ay ula dhaqmeen si wanaagsan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale, sheegay in Timo-jilic ay ku wareejin doonaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia, si baaritaan loogu sameeyo waxa Timo-jilic ku qasbay inuu kasoo baxo Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com