Sargaal GALMUDUG ah oo u goostay Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa qeybo kamid ah gobolka Mudug kusoo bandhigay Sargaal ka tirsanaa Milliteriga maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne C/kariin Gulleed.

Sargaalkaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Abti-doon ayaa goosashadiisa ku micneeyay mid la xiriirta daacad yarida madaxda maamulka Galmudug.

Sargaalka oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in wakhtigiisa ugu badan uu ahaa mid ka shaqeynaayay magaalada Cadaado iyo deegaano ku yaalla Mudug.

Sargaalkaani ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka Galmudug uu mushaar la’aan iyo dhibaato xoogan ku hayo ciidamada, taasina ay sabab u tahay inuu ka goosto Galmudug.

Dhinaca kale, maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegtay in C/llaahi Maxamed Abti-doon oo kasoo goostay Galmudug ay u sameyn doonaan tarbiyadeen islamarkaana si toos ah ugu biirin doonaan maleeshiyaadka Kooxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com