Sarkaal Al-Shabaab ah oo la dilay iyo Idiris oo nolosha lagu qabtay

Kenya (Caasimada Online) – Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa toogtay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab kaasi oo si weyn loo doon doonayay muddo badan, kadib markii ciidamada ay howlgalo ka sameeyeen deegaanka Kwale.

Taliyaha ciidamada booliska dalka Kenya Francis Wanjohi ayaa shaaciyay in ciidamada booliska dowlada Kenya ay toogteen sarkaalkaasi ka tirsan Alshabaab oo muddo badan ay doonayeen.

Ciidamada booliska ayuu sheegay iney qabteen seddex kale oo Alshabaab ka tirsanaa kuwaasi oo la sheegay iney mooto wateen.

Dadka la qabtay waxaa kamid ah Idiris Aadan oo muddo badan ciidamada Kenya ay doon doonayeen, waxaana lagu eedeeyay inuu tababaro siinayay ciidamada Alshabaab ee dhanka Kenya kaga biro.

Booliska waxa ay sheegayaan raggaan la soo qabtay in looga shakisan yahay inay fuliyeen weerar dhawaan ka dhacay Magaalada Kwale oo lagu dilay Sarkaal Kenyan ah oo horay Shabaab uga tirsanaan jiray, balse Shabaabka ka soo goostay.

Dilka Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan iyo qabashada Afartaan ruux ee kale ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Shalay Duleedka Magaalada Mandheera lagu dilay Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com