Sarkaal baxsad ka ahaa AL-SHABAAB oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay Sargaal kasoo baxsaday Maleeshiyaadka.

Dilka Sargaalkaasi ayaa waxaa fuliyay 2 kamid ahaa Madax-jabinta Kooxda, waxa uuna dilka ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Xuseen Cabdiraxmaan, waxaana lasoo warinayaa in dilkiisa uu xiriir la leeyahay ka goosashada Maleeshiyada uu kasoo goostay.

Maleeshiyaadkaasi ayaa waxa ay ninkaasi ku dileen xaafadda Cali Dheere, iyadoona ay u suuragashay in dilka kadib ay halkaasi ka baxsadaan, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada amaanka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxa ayna halkaasi ka sameeyen Howlgal lagu baadi-goobaayay Maleeshiyaadka dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Sargaalkaasi inkastoo dilkiisa uu yahay mic iska cad cida ka danbeysay bacdamaa uu kasoo goostay Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com