Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Labada eedeysane oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay degmad Dayniile ayaa waxaa loo heystaa inay yihiin sarkaal iyo darawalkiisa, kana howl-gali jiray duleedka degmada Balcad.

Hakan hoose ka aqriso faah faahin iyo xukunka:-

Maxkamadda ayaa sheegtay in xilliga la qabanayey oo aheyd November Sanadkii tegay ay dhaawac ahaayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen cirifka ay degmada Deyniile kala wadaagto deegaanka Basro.

Intaasi kadib hay’adaha caafimaadka dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen, maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March sanadkan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda.

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii maaliyadda Balcad u qaabilsanaa Al-Shaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka

Cumar oo isagu wade Mooto uga ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin xafiiska xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen islamarkaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda.

Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan  muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib..