Sarkaal ka tirsan booliska oo caawa lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa goordhow Caawa ah toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay meel ku dhaw xarunta degmada.

Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo markii ay hubsadeen in ay dileen Sarkaalka ka baxsaday goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa saraakiisha Ciidanka Booliska qeybta Dambi baarsita.

Sidoo kale, dilka kadib ayaa waxaa Meydka Sarkaalka goobta ka qaaday Ciidanka ammaanka, waxayna baaritaano amni xaqiijin ah ka wadaan xaafada uu dilka ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Dilka Sarkaalkan ayaa kusoo beegmaaya xili laba cisho un ka hor isla Degmada Yaaqshiid lagu dilay Askari ka tirsan dowlada iyo qof shacab ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com 

SHARE