Sarkaal la dhashay wakiilka Al-Shabaab ee S/Dhexe oo xil looga magacaabay DF

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska degmadaasi xilkii laga qaaday isla markaasne Taliye kale loo magacaabay degmadaasi.

Canjeex ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana maalmahan dambe taagnaa muran ka dhashay xil ka qaadista canjeex lagu sameeyay oo soo jiitamaayay.

Ugu dambeyn waxaa Saldhiga Kaaraan loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal oo ku magaca dheer Cabdi Kumi, wuxuuna la dhashay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Sarkaalkaan oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa noqonaya Taliyaha cusub ee Degmada Kaaraan, inkastoo Kaaraan ay adag tahay sida uu ula qabsado.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku badan ciidamo Militari ah oo hab beeleed u abaabulan iyo ciidan aanan ka tirsaneyn dowladda oo hub isaga dhex sita Degmadaasi.

Taliyihii Saldhiga Degmada Kaaraan ee xil ka qaadista hore lagu sameeyay, balse diiday Canjex wuxuu ku sugan yahay deegaanka Gubadleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Isbadalkaan lagu sameeyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Kaaraan ayaa imaanayo iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu wado darder cusub oo uu ku doonayo in uu ku xasiliyo amaanka degmooyinka Gobolka uu ka koobanyahay.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com