Xamar: Sarkaal sare oo ka tirsan DF oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada militiriga dowlada Federaalka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn xaafadiisa.

Marxuumka la dilay waxa lagu magacaabi jiray Korneel Canshuur waxaana dilkiisa geystay Dhalinyaro ku hubeysnaa Bistoolado xilli uu kasoo baxayey gurigiisa.

Dadka deegaanka ayaa warbaainta maxaliga Muqdisho usheegeen inay ciidanka Amniga ay soo gaareen goobta oo meydkana ka qaadeen halkaasi.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano ay ka sameeyeen goobta dilka uu ka dhacay waxaa la sheegay iney kusoo qabteen shaqsiyad lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen dilka loo geystay sarkaalkasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo magaalada Muqdisho Sargaal katirsanaa ciidanka Dawlada Soomaaliya,waxaana inta badan dilalka nuucaan oo kale ah sheegta Ururka Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com