26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawir: Haweeney caan ahayd oo caawa toogasho lagu dilay..!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Hubeysan ayaa waxa ay Caawa Magaalada Gaalkacyo ku dileen Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf.

Marxuumad Dhudi Yuusf Aadan ayaa dilkeeda waxuu ka dhacay Xaafada Israac ee Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Somalia.

Maleeshiyaadkii dilka marxuumada geystay ayaa baxsaday sida wararku sheegayaan.
kr
Ciidamada Amniga ayaa Baaritaano ka wada qeybaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo Dhanka Puntland ay Maamusho,mana jirto Cid weli loo soo qabtay Dilka Dhudi Yuusuf.

Dilkan ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii Maamulka Puntland ay ka digeen weeraro xoogan oo ka dhaca Degaano iyo Degmooyin hoostaga Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News