Sawir + Xog: Ciidamada Ethiopia iyo sida ay hubka Al-Shabaab u…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ethiopia ay deegaano hoostaga Gobolkaasi ay ku kaceen falal aad u fool-xun.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub farabadan oo ay ku jiraan Sanduuqyo Bamgacmeedyo ah waxa ayna Hubkaasi ku wareejiyeen Maleeshiyo beeled degta Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadaani ayaa Hubkaasi kusoo qabtay howlgal ay ka sameeyen Gobolka, waxa ayna Hubka kasoo dhex saaren Saldhig ay ka carartay malseehiyada.

Sababta ay ciidamada Hubkaasi u siiyeen Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa lagu sheegay in Bam gacmeedyada ay ahaayen kuwo aad u raagay islamarkaana ay suuragal tahay in si iskooda ah ay u qarxaan.
Ethiopian soldiers stand guard near boxes of weapons found hidden under a building in Mogadishu
Ilo wareedka ma uusan sheegin Beesha Hubkaasi ay siiyeen ciidamada ethiopia ee ka howlgala Gobolka Shabellaha Hoose, balse waxa uu carab dhabay in Hubkaasi uu horseedi karo khasaaro usoo hoyata Umadda Soomaaliyeed.

Xiliga maleeshiyo beeleedka Hubka lagu wareejinaayay ayaa waxaa halkaasi gaaray Gen. Gebra oo isagu ujeedkiisu ahaa in Hubkaasi uu wareejiyo.

Ma cadda qorshaha ay ciidamada ethiopia ee ka howlgasha Gobolka Shabellaha Hoose hubka ugu wareejiyeen maleeshiyo beeleed xili howlgalkooda uu yahay mid nabad loogu soo dabaalaayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com