Sawirka shirka Kismaayo oo muujiyey khilaafka DF iyo maamullada (Arag)

Kismaayo (Caasimada Online) – Sawirka boorka shirka iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya ee maanta ka furmaya Kismaayo ayaa muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka.

Sawirkan ayaa aad uga duwan kii sanad ka hor, markaasi oo ay ka muuqdeen madaxda maamul goboleedyada oo safan, balse uu dushooda ku dheggan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa dad badan sawirkaas ay u fasirteen in madaxdu isla qireen inay yihiin madax maamullo oo hoos yimada madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa markan muuqata in sheekada ay sidaas ka duwan tahay.

Waxaa sawirka shirka sanadkan ee Kismaayo gabi ahaanba ka maqan madaxweyne Farmaajo, taasi oo dad badan u arkeen in khilaafka labada dhinac uu gaaray meel aad u xun. Waxaa si gaar ah isugu xun Jubaland oo shirka marti-gelineysa iyo dowladda dhexe.

Haddaba hoos ka arag labada sawir ee bal isku barbar dhig.