Sawirro + Faah-faahin ku saabsan ismiidaaminta degmada Howl-Wadaag

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday  Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dadka degaanka ah.

Gaariga weerarka loo adeegsaday oo la sheegay inuu ahaa nooca raaxada ayaa ka imaaday dhanka Suuqa Bakaaraha oo qeyb ka ah degmada.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan waxaana xiligaa Degmada ku sugnaa shacab badan oo howlo looga waday xarunta.

Waxaa weerarka ka badbaaday Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar oo iminka bad qaba, Balse waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dadka ay waxyeeladu soo gaartay kamid ahaa ilaalada Xarunta.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Howlwadaag, waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sida dadkii goobta tagay sheegen.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.