Sawirro: Roobab xanibay waddooyinka Muqdisho oo ka da’ay magaalada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay Roob xooggan oo muddo socday kaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.

Gugaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho waana Roob siweyn loo wada sugayay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleyl daran balse saaka Jawiga magaalada waa mid Qabow ah waxaana wadooyinka qaar fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da’ay magaalada.

Biyaha Xareedda ayaa jaray waddooyinka laamiga ah iyo kuwa Jid cadayaasha ah waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka dadweynaha waxaana maanta xiran suuqyada waaweyn ee gobolka Banaadir iyo Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, degmada Xamar Weyne waxaa dumay mid kamida guryaha qadiimiga ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa lasoo sheegayaa in Roobabku ay dileen carruur ku sugnaa guryaha cooshadaha ka sameysan oo ay deganyihiin dadka Barakacayaasha ah.