Sawiro: Siyaasi uu Shariifka kala kulmu doono loolan adag oo maanta is-sharxay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Mid kamid ah Musharixiinta uu sida weyn loolanka ugala kulmi doono Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulkaas.

Maxamed Aadan Fargeeti ayaa Maanta is rasmi ah u shaaaciyey inuu yahay musharax u taagan Xilkaas isla markaasna wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay xafladda u ballan qaaday iyo kuwa Koonfur Galbeed dhammaantood inuu isbadal deg deg ah u sameyn doono Deegaanada uu taliyo maamulkaas.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Maamulka Koonfur Galbeed, iyo ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Fargeeti oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida uu rabo inuu ka dhigo Deegaanada Koonfur Galbeed haddii loo doorto xilkaas.

Fargeeti ayaa waxyaabaha uu u qaban doono Koonfur Galbeed doorashadiisa kadib kusoo koobay:

1) Amni: Wuxuu sheegay inuu deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigi doono meel amni ah  kana maran Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh ku heyso deegaanadaas.

2) Cadaalad: Fargeeti ayaa ballan qaaday inuu si siman ugu cadaalad sameyn doono dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

3) Horumar:  Fargeet ayaa shaaciyey inuu xoogga saari doono horumarka deegaanada Koonfur Galbeed isla markaasna wuxuu ballan qaaday inuu wax badan ka badali doono dayacaadda ka muuqato deegaanadaas.

4) Maamul Wanaag:  Wuxuu Fargeeti khudbadiisa ku sheegay inuu deegaanadaas ka hirgeli doono Maamul wanaag iyo in xooga la saaro sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen shacabka iyo dowladda.

Fargeeti ayaa ugu dambeyn ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono Maamulka maamulka qabto kuwa dhow iyo kuwa mustaqbalka ah wuxuu u kala qaaday:

Hiigsiga:

1) Nabadda, Cadaaladda iyo dhisidda Hey’adaha Dowliga ah.

2) Abuuridda shaqo iyo kobcinta Dhaqaalaha.

3) Tayeynta Ciidamada iyo la dagaalanka nabad diidka.

4) Furitaanka waddooyinka hoos timaado Maamulka Koonfur Galbeed.

hiigsiga qaabka loo marayo:

1)  Dhisid dowladda si dhow ula shaqeyso Dowladda Dhexe

2) Dhiiragelinta Maalgashiga Hey’adaha Caalamiga ah

3)  Xoog saaridda Amniga iyo adeegyada Bulshada

4) Dib u dajinta qaxootiga iyo shaqo abuurid

5) Fiirinta Siyaabaha Hababka Hal abuurka ah si loo ballaariyo Ilaha Biyaha.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada Xafladdii weyneyd ee Maanta ka dhacday Baydhabo