Sawiro: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo booqday isbitaallada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa booqday qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, oo la dhigay dhaawacyada dadkii maanta ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kontrool Afgooye.

Madaxdii hore ee Qaranka ayaa gurmad ugu baaqay dhammaan bulshadda Soomaaliyeed , waxaana ay sheegeen in dhaawacyadda la geeyay Isbitaallada ay badan yihiin.

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya gurmad xoog leh oo loogu gargaarayo dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay saaka Isgoyska Ex Kontrool.

Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux.

Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado.

Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.