Sawirro: Kooxda Al-Shabab oo dhowr sano kadib soo bandhigtay sawirrada Aadan Xaashi Ceyrow

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawirro muujinaaya waayihii uu noolaa Aabihii argagixisada Somalia Aden Xaashi Faarax ”Ceyrow”.

Al-shabaab ayaa sheegtay in mudadii uu noolaa Ceyrow ay Somalia ku jirtay xaalad murugeysan oo caalamku u hanqal taagaayay qabsashada Somalia.

Somalia ayaa waxa ay Waayihii nololeed ee Ceyrow astaan u aheyd falal gurcan oo ay maleegi jireen Al-shabaab, inkastoo caalamka uu aaminsan yahya in Ceyrow ay ka khatar badan yihiin kuwa hadda jira oo dagaalka Jihaadiga kusoo biiriyay gowrac iyo Qaraxyo aan ujeedkooda la garan karin.

Ceyrow wuxuu ahaa Hogaamiyihii Dhinaca Ciidamada Al-shabaab waxa uuna sababsaday Gantaal uu soo riday Mareykanka kaasi oo Dagmada Dhuusamareeb ee Bartamaha Somalia ku dilay Ceyrow iyo saraakiil kale oo Al-shabaab kamid aheyd.
ceyrow-1

ceyrow-2

ceyrow-3