Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta tegay degaan dhawan laga saaray Shabab

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday fariisimaha ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin  Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiyuhu wuxuu booqday deegaanka Baar-sanguuni Halkaas oo dhowr bilood ka hor laga saaray maleeshiyaad ka tirsan  Al-Shabaab oo muddo heystay.

Hogaamiyaha ayaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ka wadaan howlgalo sifayn ah isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan iyadoo Al-Shabaab laga saarayo deeganada ay wali ku Suganyihiin.

Hogaamiyuhu wuxuu sheegay in uu halkan u yimid si uu waqti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa fariisimaha kusoo arkay ciidamo diyaarsan oo xiligaasi ku guda jiray howlahooda shaqo.

Ciidamada uu Axmed Madoobe kusoo arkay fariisimaha qaar ayaa ku jiray heegan buuxa oo ay uga gaashamanayeen Al-Shabaab.

Shabaab,  ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo in weerar midaysan lagu qaado taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.