Sawirro: Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday DF iyo AMISOM kadib markii…

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ka qeyb-galay kulan ay lahaayeen wakiilada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si weyn amni xumada dalka ugu weeraray dowlada federaalka iyo howl-galka AMISOM.

Kulankaan oo looga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee howl-galka AMISOM ee lagu badalayo ATMIS iyo arrimaha amaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu ka sheegay inay wali aysan muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah, hase yeeshe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu tala-galay.

Fadhiidnimada ku timid howl-galka AMISOM ayaa waxa uu sheegay inay sababteeda leeyahiin Dowlada Federaalka ah, wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

“Dowlada Federaalka ah waxay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka, ayada oo ciidamada dowlada u isticmaashay arrimaha siyaasada, taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya. Sidoo kale waxay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018.

“Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxay ayaguna qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM, iyagoo fara-galin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya, dhumiyayna shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.”

Waxa uu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay mid wanaagsan, hase yeeshe uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah inkasto intaasba aan looga baran Dowlada Federaalka ah.

Ugu dambayntii waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howl-gal midaysan oo dalka oo dhan ah.

“Waxaa baahi weyn loo qaba isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo iyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.”