Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha AMISOM iyo Saraakiil ku wehlineysay booqashada.
Ra’isul wasaare Cumar iyo Taliyaha ayaa kawada hadlay la dagaalanka Al-shabaab, dib u bilaabida dagaalada Al-shabaab looga saarayo Gobolada dalka iyo in mudada Dowlada uga harsan doorashada lagu soo afmeero dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyada ay kawadaan Gobolada ku xeen-daaban Muqdisho.
Taliyaha AMISOM ayaa soo dhaweeyay in Ciidamada AMISOM oo weheshanaaya kuwa Dowlada ay soo afjaraan dagaalada ay Al-shabaab uga sifeynayaan Gobolada dalka, waxa uuna Taliyuhu Cumar C/rashiid ku wargaliyay in miisaaniyada loogu tallo galay la dagaalanka Al-shabaab aysan wali gaarsiisneyn lambarkii loogu tallo galay balse ay AMISOM ka go’an tahay inay soo afjarto dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.
Taliyaha ayaa ballanqaaday inay dajin doonaan qorshihii ugu danbeeyay ee Al-shabaab looga sifeyn lahaa Somalia ka hor inta aysan dhicin doorashada.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa isna soo dhaweeyay sida ay AMISOM uga go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab iyo inay Somalia kusoo celshaan nabada.