SAWIRRO: Ciidamadii uu dalbaday Axmed Madoobe oo Kismaayo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka socda dalka Ethiopia oo mudooyinkaani oo idil la sugaayay ayaa waxa ay maanta gaaren magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidamadaani ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay qaar kamid ah mus’uliyiinta maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Farataag iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamadaani oo ay keeneen laba diyaaradood ayaan weli la shaacin tiradooda rasmiga ah, hase yeeshee waxaa lagu qiyaasay ilaa 250 askari, ayadoo la filayo in ciidamo kuwan ka badan ay magaalada soo gaaraan.

Ciidamadan oo ay ka muuqatay feejignaan ayaa waxa ay siteen astaanta calankooda iyo kan Somalia, waxa ayna sidoo kale garbaha ku wateen Boorsooyin ay ku jireen agab ciidan.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku-xigeenka, Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku yimaadeen Rabitaanka shacabka Jubaland, ayna kusoo dhaweeynayaan Kismaayo.

Ciidamadan ayaa la filayaa in ay ka qeybqaataan howlgalo Maleeyshiyaadka Al-shabaab looga xoreeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubaland.
fartaag1

fartaag6

fartaag7

fartaag8

fartaag9

fartaag10

fartaag11

fartaag12

fartaag13

fartaag14

fartaag15

fartaag16

fartaag17

fartaag18

fartaag19

fartaag20

fartaag21

fartaag22

fartaag23

fartaag24

fartaag25

fartaag26

fartaag27

fartaag28

fartaag29

fartaag30

fartaag31

fartaag32

fartaag33

fartaag34