Sawirro: Gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh oo maanta gaaray jiidda TUKARAQ

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo xoogan oo ka kala tagaya magaalooyin kala duwan ayaa gaaray deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulada Puntland  iyo Somaliland.

Ciidamadan oo watay gaadiid tirro badan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka baxeen magaalada Qardho kuwaa oo saacado un ka hor gaaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Ciidamada oo gurmad u ahaa kuwa Puntland ayaa iminka ku biiray ciidamadii hore ee ku sugnaa Jiida, waxaana lasoo sheegayaa inay xoojin u yihiin kuwii hore.

Gurmadka ciidamadan ayaa daba socda ciidamo muddo afar cisho laga joogo la geeyay deegaanka Tukaraq.

Somaliland ayaa iyana ciidamo intaa kabadan saacadihii ugu danbeysay geysay jiida deegaanka Tukaraq kuwaa oo la xaqiijiyay inay caawinayaan kuwii hore.

Dagaalada goosgooska ah ee ka dhaca deegaanka ayaa waxaa ka dhasha khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale labada ciidan kala qabsadeen gaadiid dagaal.

Madaxweynaha Somalia ayaa goor sii horeysay ugu baaqay labada maamul in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, mana muuqato hada dadaalo badan oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.