Farmaajo oo aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Ethiopia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Farmaajo ayaa sidoo kale danjiraha ka guddoomay fariin iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Itoobiya, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uga warbixiyey Cabdulfataax guulo wax-ku-ool ah oo ay gaartay dowladiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.”

Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa asaguna dhankiisa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida dal walba.

Madaxweynaha waqtigiisa uu dhaaamaday ayaa ugu dambeyntiina waxa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka miro-dhalinta iyo xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu waraaqaha danjirenimo ka guddoomo safiir dal kale, xili uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ahaa.

Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligan Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.