Muxuu Farmaajo kala hadlay Aadan Madoobe? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).  

Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Farmaajo uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta

Kulankan ayaa imanaya ayada oo maanta buuq xoogan uu hareeyey kulankii xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad ee dalka, balse ka hor waxaa fowdo ay ka bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ay soo galeen 32 xubnood oo kasoo baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo ay weli doorashadooda ka taagan tahay xiisad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan wadan kaararka aqoonsiga ee rasmiga ah oo ay ula jeedaan xubnaha Garbahaarey.