Sawirro: Gaas iyo Deni oo kulmay una sheegay reer Puntland inay ilaashtaan…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 09 January 2019 qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash.

Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com