Sawirro: GAAS oo markii ugu horreysay qabtay howshii ugu fiicneyd ee lagu xasuusan doono.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa waxa ay talaabadiisii ugu horeysay noqotay garabsiinta wiil aad u yar oo ay naafeesay miino ay Maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen deegaanka Yalho oo kaabiga ku heysa buuraaleyda galgala.

Wiilkaani aadka u yar ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdinajiib Hirad Saciid waxa uuna u dhexeeya 12 ilaa 14 jir, waxa uuna iminka yahay mid ka go’an gacanta bidix iyo lugta bidix oo ay ka jartay miinada.

C/weli Gaas oo aad uga danqaday daryeel xumida heysata wiilkaasi oo aan ka soo jeedin reer dhaqan ayaa waxa uu caafimaad ugu qaaday dalka India waxaana xal loo helay gacanta iyo lugta bidix ee ka go’neyd.

Waxaa iminka loo soo galshay lug iyo gacan feeg ah, waxa uuna mooraalkiisu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, inkastoo mid kamid ah indhihiisa ay miinadu banaanka u saartay.
4

1

2

3

5

6

7

8

10

11