28.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sawirro: Gabadhii ugu horeysay ee Somalia ka noqota duuliso oo ku sigatay in Garoonka Xamar ay ka duuliso diyaarad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Gabadhii ugu horreysay Soomaaliyeed ee duuliso ka noqota diyaarad ciidan Asli Xasan Cabaade, ayaa booqasho gaara ku tagtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Asli Xasan Cabaade, oo mar hore ay ugu danbeysay duulinta diyaarada ayaa iminka ku sigatay inay dib u xasuusato duuliyanimadeeda.

Asli Xasan Cabaade oo ay ka muuqatay xamaasad ayaa isku dayday inay kiciso diyaarad nooca yaryar, balse waxaa shaki ka galay inay sii wadi karto diyaarada iyo inay ilowday, maadaama wixii ka danbeeyay burburka Dowlada Dhexe aysan Somalia helin diyaarad.

Diyaarada ay isku dayday Asli ayaa nooceeda lagu sheegay Dash 8 passenger aircraft taas oo garoonka Muqdisho fadhisay.

Asli ayaa sheegtay inay weli jirto jaro ay kusii wadi karto diyaarada, balse nasiib darro aysan jirin diyaarad ay u madaxbanaan tahay Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News