Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, iyada oo sidoo kale shirka lagu ansixiyay laba heshiis oo muhiim ah.
Shirka Golaha Wasiirrada waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad MudaneSaalax Axmed Jaamac, maadaama uu dalka ka maqan yahay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo shalay u ambabaxay dalka Qatar. Shirka waxaa sidoo kale si buuxda uga qeybgalay inta badan xubnaha Golaha.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey labo heshiis oo dowladda Soomaaliya ay lasoo gashay dalka Muritaaniya, kuwaas oo kala ah Wada-tashiyo Siyaasadeed iyo Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.
Heshiisyadan ayaa mudnaan gaar ah siinaya iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan tababbarrada diblumaasiyiinta iyo wada-tashiyada arrimaha siyaasadda oo muhiimad gaar ah u leh dalkeenna, waxa ayna sii xoojinayaan xiriirka labada dal.
Sidoo kale, Heshiisyadan ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan sii xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Mauritania, isla markaana ay sare u qaadaan wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo diblumaasiyadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta awoodda iyo aqoonta diblumaasiyiinteeda, iyadoo tababarrada iyo iskaashiga noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo shaqada diblumaasiyadda Soomaaliya.
Mauritania iyo Soomaaliya waxaa xilligan ka dhexeeya xiriir ku dhisan iskaashi iyo danaha ay labada dal wadaagaan, iyadoo labada dowladood ay daneynayaan in la horumariyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, diblumaasiyadda iyo tababarrada.
Si kastaba, Ansixinta heshiisyadan cusub ayaa loo arki karaa tallaabo lagu sii xoojinayo xiriirka labada dhinac, laguna ballaarinayo iskaashiga labada dal.


