Sawirro iyo faah-faahinta QARAX maanta ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) –  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasoo ahaa mid lagu xiray gaari Noociiso uu yahay Hilux oo la sheegay in uu lahaa shaqsi ka mid ah dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan dowladda, iyadoo uu ka maqnaa marka uu qarxay, waxaana gaariga markaasi la dhigay wado yar oo Laamiga ku dhow, una dhaxeysa hotel Dayax iyo Isgoyska Sayidka.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  ma jirto qof wax ka noqday, maadaama gaariga qarxay uu yaallay Meel Wadada dhinaceeda ah oo aysan jirin cid saarneyd.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan gawaaridda lagu xiro waxyaabaha Qarxa, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com