Sawirro: Jubaland oo ciidamo cusub kusoo bandhigtay Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Jimchii ciidamo cusub kusoo bandhigtay gobolka Gedo, kuwaas oo tababar loogu soo xiray degmada Doolow ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan oo kamid noqonaya Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay tababar ciidan oo heer kumaandoos ah ku qaadanayay degmadaasi.

Lafey ayaa marka hore hambalyo u diray ciidamada loo soo gabagabeeyay tababarka, wuxuuna kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda, maadaama ay hadda howlgalayaan.

Sidoo kale wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, sharafta iyo sumcadda Ciidanka, ayna dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ciidamada cusub ay  sugi doonaan amniga gobolka, ayna ka qayb-qaadan doonaan xoreynta deegaannada ay weli haystaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku xooggan Jubbaland.

Guddoomiye Lafeey ayaa ugu dambeyn si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidamada, gaar ahaan taliyaha amniga Doolow, isaga oo ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni iyo daacadnimo uu kaga miro-dhaliyay waajibaadka hay’adda sirdoonka iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan isbeddal uu ka dhacay gobolka Gedo, kadib markii ay heshiis wada gaareen maamulka Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Janaan oo ay dowladda u xilsaartay hawlaha gobolkaasi, kaas oo hoggaaminayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qorshaha Jubbaland ayaa ah inay isku billaareyso Gedo, si ay mar kale ula wareegto gacan ku haynta degmooyinka ka maqan, hase yeeshee dowladda dhexe ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobolka, inkastoo hadda xaaladda ay dagan tahay marka loo fiiro maalmihii adkaa ee lasoo maray.

 

- Advertisement -

Read more

Local News