29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sawirro: Laba wasiir oo lagu dheggan yahay oo maanta hortagay golaha shacabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islo (Ducaale), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan (Xijaar).

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 120 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona uu shir guddoominayo ku xigeenka 1-aad eeGolaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Xubnahaan ayaa su’aalo adag laga weydiin doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo sidoo kale xayiraadii dhowaan lagu sameeyey Madaxweynyaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wadaa in wasiiradu ay wax ka wey diiyaan is hortaagii lagu sameeyey xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay u ambabaxdo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeeda.

Kulanka Golaha Shacabka ee loogu yeeray wasiirka amniga gudaha iyo midka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagnaayeen xiisado siyaasadeed oo quseeyey shaqooyinka labadaasi wasaaradood.

- Advertisement -

Read more

Local News