Sawirro: Lafta Gareen, Waare iyo Siciid Deni oo kulamo ku yeeshay MUQDISHO

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho si gaar gaar ah ugula kulmay madaxda HirShabelle & Puntland.

Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda siyaaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21.

Sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Puntland ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan shirka wada-tashiga Muqdisho.

Madaxda ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha’ahaatee is mari-waa ayaa wuxuu weli ka taagan yahay arrimaha doorashada 2020/2021, kaas oo sii xoogeystay kadib heshiiskii Dhuusamareeb 3.