Sawirro: Xasan iyo Aadan Madoobe oo yeeshay kulan deg deg ah + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, oo door weyn ka qaatay dhameystirka doorashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Kulana labada masuul ayaa ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.