Sawirro + Magacyo: Soomaali laga raadinayo…!!

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka dowlada Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada dadka ay ugu doon doonista badan yihiin, kuwaasi oo ay sheegeen iney dambiilayaal ka yihiin gudaha dalka Kenya.

Dadweynaha Reer Kenya ayaa laga dalbaday iney laamaha amaanka ku wargeliyaan waxii macluumaad ah oo ay ka hayaan dadka ay soo bandhigeen sawiradooda iyo magacyadooda.

Dadkaasi kenya ay soo bandhigtay magacyadooda ayaa la sheegay iney yihiin kuwo hubeysan oo si aad ah looga doon doonayo  gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay laamaka amaanka Kenya.

Dadkaasi waxaa magacyadooda kamid ah C/Fataax Abuubakar Cabdi, kaasi oo ah muwaadin u dhashay dalka Soomaaaliya, waxaana la sheegay in horey looga soo  masaafuriyay dhanka Xeebta dalka Kenya.

Dadka kale ee magacyadooda lasoo bandhigay waxaa kamid ah Cabdalla Muumin Cabdalla, Suleymaan Maxamed Cawad, Abdalla Siraj Marun, Maxamed Cali Axmed iyo Xuseen Siyaad Omar kuwaasi oo la sheegay iney yihiin dad la doon doonayo laguna heysto doorkii ay ku lahaayeen weeraradii ka dhacay Mpeketoni.

Xuseen Omar ayaa waxaa la sheegay inuu isbaheysi la ahaa wiil ay Walaali yihiin Axmed Saacid Omar oo ku lug lahaa weerar ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya.

Laakin Issa Cabdalle Axmed iyo C/qaadir Abuubakar C/qaadir ayaa la sheegay iney ahaayeen kuwo deegaan ahaa ku sugnaa deegaanka Malindi waxaana lagu eedeeyay in loo doon doonayo sabab la xiriirta in bishii November sanadkii 2014 oo ay ku biireen Alshabaab.

Dhinaca kale Anwar Yogan Mwok iyo Omar  Patroba Juma oo isbaheysi la ahaa Patroba Juma Owiti ayaa la baadi goobayaa sabab la xiriirta ku lug lahaanshahooda weerar aan suuro galin oo ciidamada Kenya lagula eegtay deegaanka Baure ee gobolka Lamu, waxaan Anwar oo horey u ahaa ciyaar yahay u ciyaara koox kenya ka dhisan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA & MAGACYADDA OO DHAMEYSTIRAN:-

1-Cabdifitaax Abuubakar Abdi

2-Abdallah Siraj Marumu

3-Abdalla Muumin Abdalla

4-Hussein Said Omar

5-Suleiman Mohamed Awadh

6-Anwar Yogan Mwok

7-Issa Abdalla Ahmed

8-Ismail Mohamed Shosi

9-Abdikadir Abubakar Abdikadir

10-Omar Patroba juma

11-Mohamed Ali Ahmed
Most-wanted-criminals-1 (1)
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com