Sawiro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Mahadi Guuleed iyo madaxweyne Museveni?

Kampala (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Mudane Yuweri Museveni.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayo Marwada koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin, iyada oo soo soo dhoweeyn loogu sameeyey madaxtooyada Uganda.

Ujeedka wafdigan ay u tageen dalka Uganda ayaa ah ka qeyb-galka munaasabad lagu furay shirkad ballaaran oo soo saarta Sokorta, taas oo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi ballaaran ku leh, qaar ka mid ah dalalka Barigga Afrika.

Sidoo kale wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya warshadda Sokorta.

Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweeney leh shirkadaasi ayaa ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo horumarada ganacsi ka sameeyey guud ahaan Qaaradda Afrika

Soomaaliya ayey tani u tahay fursad aad u weyn, iyada oo u suurta-gelineyso inay ka soo muuqato dalalka ay haweenkooda sameeyeen horumarada ganacsi, siiba warshadaha.