Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta gaadiid cusub ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa gaadiidkan kala wareegay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka, Mr. Steven Gillen, kaasi oo ay Soomaaliya ugu talagashay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda la-dagaallanka argagixisada.
Gaadiidkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha u xilsaaran la-dagaallanka argagixisada ee hoos taga taliska booliska.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay gaadiidkan, iyadoo Taliyaha Booliska uu halkaas uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarka ciidamada.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in gaadiidkan ay si toos ah uga faa’iideysan doonaan ciidamada gaarka ah ee booliska ee ka shaqeeya la-dagaallanka argagixisada, kuwaas oo horumarin ballaaran lagu sameeyay sanadihii u dambeeyay.
Dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jiro kooxda Al-Shabaab .









