Sawirro: Maxaa sababay inuu fashilmo kulankii Kismaayo ee lagu qiyaaneeyey XASAN Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Faahfaahino dheeraad ah laga helayaa sababta keentay in dib u dhaca ku yimid Shirkii wadatashiga ee ku fashilmay Magaalada Kismaayo.

Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu isaga baxay shirka oo socday kadib markii uu diiday inuu la fadhiisto Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed, waana tan keentay in shirka lagu kala kaco Natiijo la’aan qadar yar kadib markii uu furmay shirka.

Sababta uu Gaas shirkaasi uga baxay ayaa lagu sheegay in ajandihiisu uusan ku jirin in Kismaayo uu uga qeybgalo shir wadatashi lagu sheegay, waxa uuna ku dooday inaan horay loogu soo wargalin arrintaasina aysan la qabin golayaasha Maamulkiisa.

Madaxweyne Xassan oo horayba uga caga jiidaayay shirkaasi ayaa isna sheegay in shirka uu xiran yahay kadib markii uu ka carooday faragalinta C/weli Gaas uu ku sameynaayo Maamulka saaxiibkiisa C/kariin Guulleed.

Madaxweyne Xassan oo markii horaba lagu qasbay inuu ka qeybgalo shirkaasi ayaa muddo Todobaad ah dib u dhigay shirka isaga oona dhamaan Hogaamiyayaashii shirkaasi fadhiyay ugu baaqay inay wadatashi ugu imaadan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Cabdiqani Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ay ahayd in looga hadlo labo qodob oo kala ah in looga wadahadlo sidii wax la yeeli lahaa sanadka 2016-ka iyo qodobka labaad oo ahaa sidii loo dhameyn lahaa Khilaafaadka u dhaxeeya maamul goboleedyada.

Wasiiru Dowlada oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Madaxweyne Gaas waxa uu yiri kaliya waxaan u nimid ka qeybgalka caleemo-saarka , 7 maalmood ayaa la balamaayay” ayuu Cabdiqani oo sheegey in Muqdisho ama meel kale la’isugu tagi doono.

Madaxweyne Xassan ayaa Kismaayo kasoo dhoofay isaga oo aad uga careysnaa Wajiyada uu Caleemasaarka kadib kala soo kulmay Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.

Arrinta ayaa u muuqaal ekeyd mid dabin Siyaasadeed loogu dhigaayay Madaxweyne Xassan oo laga doonaayay in mar qura uu ka qeybgalo Caleemasaarka oo micnaheedu aheyd inuu aqoonsan yahay Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn in Shirka ay Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ku dhawaaqeen laga soo wada qeybgali doono.
1

2

3

4

5

6

8
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com