Saawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo safiirka Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto, kaas oo booqasho ugu tegay hoygiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli qabsoomida doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka

Sidoo kale labada dhinaca ayaa isla soo hadal qaaday sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan laheyd dadaallada socda, siiba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Si kastaba madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ka wada caasimada, isaga oo horey ula kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Midowga mushrraxiinta.