26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Daawo Sawirrada: Maxay C/Weli GAAS iyo Gregory DOREY ka wada hadleen?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan magaalada Addis-Ababa kula qaatay Safiirka Dawladda Britain Ethiopia u fadhiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Mr.Gregory Dorey.

Gaas iyo Mr.Gregory Dorey ayaa kawada hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland, siyaasada, amniga iyo barnaamijyada horumarineed ee hada ka soconaya guud ahaan Gobolada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dawladdaha Puntland iyo Dawladda Britain iyo sidoo kale iskaashiga amaanka, horumarinta nabadgelyada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.

Ugu dambeyn kulankaasi gaarka ah ee u dhaxeeyey Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Ethiopiau fadhiya Britain ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Mr.Gregory Dorey ayaa ku soo dhammaaday guul.

1 2 3 4 5 6

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News