26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sawirro: Mid ka mid ah tareenada dhulka hoostiisa ee London oo la qarxiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online)- Qarax geystay khasaare ayaa saakay abaaro 8:20 ayaa lala beegsaday tarten ka mid ah kuwa dhulka hoostiisa mara.

Labaatan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaan oo ka dhacay bosteejada Persons Green ee Fulham, waxaana goobta gaaray ciidamada argagixisada la dirira iyo kooxaha gurmadka.

Booliska argagixiso la dirirka ee UK ayaa qaraxaan ula macaamilaaya inuu yahay fal argagixiso, waxaana ay xireen saldhiga tareenada Persons Green ee Fulham iyagoona baaritaana ka wada goobaha ka ag dhow.

Xiliga qaraxaan uu dhacayay ayaa tareenka ahaa mid buuxay oo dad badan ay saarnaayeen maadaama xiliga shaqada loo caraabo ay ku beegneyd.

- Advertisement -

Read more

Local News