Sawirro: Rooble iyo Boris Johnson oo saddex qodob oo muhiim ah ka wada hadlay

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo boooqasho ku jooga magaalada London ayaa caawa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen saddex qodob.

Rooble ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.”

Rooble ayaa sheegay inuu Johnson kala hadlay saddex qodob oo kala ah: –

1- Xoojinta xiriirka labada dal.
2- Arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka.
3- Horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in Britain ay ka mid tahay “Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.”

Goor sii horreysay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Intii uu socday kulanka waxa uu Ra’iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageeradeeda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena Soomaaliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas’uuliyiin kale.