JUBALAND oo mar kale ka hadashay is-mari waaga ka taagan doorashada dalka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay magaalad Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo abaaraha.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id uga hadlay is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in xal loo raadiyo caqabadaha iyo culeyska siyaasadeed ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda, hadii la’isugu imaanayo wada-hadallo dhab ah oo xal mideysan looga gaarayo khilaafka jira.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, gaar ahana gobolka Gedo, isaga oo shaaca ka qaaday in baartu ay saameysay dadka & duunyada oo u baahan gargaar bani’aadanimo oo deg dega.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale qoysaska ay saameysay abaarta u weydiiyey hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo caawin karta inay u gurmadaan dadkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, sida khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee 2021-ka, abaaaraha iyo ammaanka dalka.