Sawirro: Ra’iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi iyo xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa u daarna taageero iyo hambalyo ku aadan xilka uu Farmaajo u magacaabay Rooble, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulankaasi.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xildhibaanada ku wehlinayay kulankaasi ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub bogaadiyey, iyagoona si kal-furan usoo dhaweeyay.

“Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xildhibaanno ka tirsan BFS ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Sii hayaha RW & xildhibaannada wehliyay ayaa RW magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero  garab istaag”.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya uu ka bilaabay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ku rabo in baarlamaanku uu siiyo kalsoonida.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo xalay kulamo ula qaatay siyaabo kala duwan xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baaralamanka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale la kulmay, guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta berri ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu hortago, golaha shacabka Ra’iisal wasaaraha cusub, si ay codka kalsoonida ugu qadaan xildhibaanada goluhu.